Siyaasi Aadan Gaadaale oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe

Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe Gudoomiyaha guddiga ku hawlan  dhismaha wadada isku xirta Dongoroyo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Siyaasi  Aadan Maxamed Ciise (Gadaale) oo kasoo laabtey socdaal uu ku tagey magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.

Soo dhaweynta Aadan Gaadaale waxaa ka qeybgalay Odoyaal dhaqmeed, saraakiil, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada,Isagoona soo dhaweyn ka dib warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada.

Gudoomiye Aadan Gaadaale ayaa warbaahinta uga waramay meesha ay mareyso dhismaha wadada laamiga ee isku xiri doonta Garowe iyo Eyl, wuxuuna sheegay inay ku rajo weyn yihiin sidii uu u guulaysan lahaa mashruucan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay jiraan fursado shaqo oo dhalinyaradda uga banaan mashruuca wadada Eyl, islamarkaana hoos u dhigi doona shaqo la,aanta ka jirta dalka.

Dhinaca kale Aadan Gadaale wuxuu baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya cariska cagaare ee xuduudka Sool iyo Nugaal, Isagoona sheegay diyaar inuu yahay wax walba oo lagu baajinayo dhiiga ku daadanaya colaadaas.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST