Ilaa 3 Madfac oo loo yaqaano nooca Hoobiyaha ah ayaa ku soo dhacday meel aan ka fogeeyn xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaafiicdaan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa maqalkeeda aad looga maqlayay qeeybaha kala duwan ee Muqdisho.
Hoobiyaashan ayaa ku dhacay meelo aan sidaasi uga fogeeyn xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
ilaa hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyaashaasi.
Durba ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ayaa howlgalo ka bilaabay qeeybo kamid ah Muqdisho iyada oo baadi goobaya kooxihii soo tuuray weeraradaasi.
Dadka Falanqeeya Amniga ayaa sheegay in ay tahay fashil dhanka amniga ee heysta dowlada in iyada oo Duhur ah hoobiyaal lagu weeraro xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho