Dowladda Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay billowday Qorshayaal halis ah

Nairobi (PP) ─ Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in Xoogagga Al-shabaab ay dajiyeen Qorshayaal halis ah oo dhanka Sirdoonka ah, iyagoo adeegsanaya haween qurux badan.

Joseph Kanyiri oo ka mida saraakiisha Sare ee Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay diyaariyeen haween ka tirsan kooxda oo aad u qurxoon, kuwaas oo uu sheegay inay geyn doonaan gobolka Somaalidu degto ee Waqooyi-bari Kenya.

Sidoo kale, Joseph ayaa xusay in hablahan ka tirsan Kooxda Al-shabaab ay doonayaan in xariir saaxiibtinimo ay la yeeshaan ciidamada Kenya si ay u helaan xog dhanka sirdoonka ah.

Isagoo sii hadlaya sarkaalkan ayuu sheegay in horay kooxda Al-shabaab ay tallaabadaan oo kale u sameeyeen, isla markaana ay dumar u adeegsadeen basaasnimo si ay gudaha Kenya xog uga helaan.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ka geystay Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Waxaana weerarkii ugu saameynta badnaa uu ahaa weerarkii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015-kii.

Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaan ka hadlin hadalka sarkaalkan uu ku sheegay in Al-shabaab ay doonayso inay haween adeegsato si ay weerarro uga geystaan gudaha dalka Kenya.

PUNTLAND POST