Dowladda hoose Garowe oo burburisay dhismayaal sharci daro ah.

Maamulka Dowladda hoose Garowe ayaa maanta burburiyay dhismayaal sharci daro ay ku tilmaameen oo ku yaala xaafadda Hodon agagaarka Togga Naasa hablood ee magaalada, waxayna isugu jireen dhismayaashu bogcado iyo guryo dhisan.

Hawlgalkaan burburinta waxaa goobjoog u ahaa Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka Ahna Duqa magaalada Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir ) iyo Xoghayaha dowladda hoose Maxamuud Cali Gurey.

Masuuliyiinta dowlada hoose ee Garowe ayaa sheegay inuu ka dambeeyay burburinta hawlgalkaan saaka ka bilowday magaalada ka dib markii ay soo xaqiijisay inay sharci daro yihiin dhismayaashan waaxda hawlaha guud ee maamulka degmada.

Xoghaye Maxamuud Cali Gurey iyo Gudoomiye Xasan Goodir ayaa sheegay goobaha la burburiyay inay ahaayeen kuwo ku yaala dhul aan sharci ahayn in la dego islamarkaana marar badan oo sii horeysay ay uga digeen dadka degay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST