Kooxda Jubaland oo ku guuleysatay Koobka K/Cagta ee Maamul-goboleedyada

Muqdisho (PP) ─ Kooxda Kubadda Cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleystay Koobka Maamul-goboleedyada dalka, kaddib markii ay 1-0 ku suul-daareen Kooxdii ka socotay maamulka Puntland.

Cayaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa qaybteedii hore waxay labada koox ku kala naxeen 0-0 gool la’aan ah, iyadoo markii la isugu soo laabtay Qaybtii labaad ee cayaarta ay kooxdii ka socotay Jubbaland u suuro-gashay inay gool dhaliyaan, kaasoo noqday midkii ay guushu ku raacday.

Goolka ay ku adkaatay kooxda maamulka Jubbaland ka socotay ayaa waxaa u dhaliyay laacibkooda Weerarka uga cayaara ee Yoosin C/raxmaan Maxamed.

Inkastoo labada kooxood ay soo bandhigeen cayaar wanaag, ayaa haddana kooxda Jubbaland waxay u noqotay maalin guul ah, iyadoo Kooxda Puntland oo sannadkii hore koobkan ka qaaday Jubbaland, iyadana maanta Koobkii ay difaacanaysay laga qaaday.

Wixii warar ah kala soco Puntlandpost haddii Eebbe ogolado.

PUNTLAND POST