Guddi Nabadayn ah oo u ambabaxay Degaanka Cagaare oo Maalmahan ay ka Jireen Dagaalo Sokeeye

Guddi nabadayn ah oo nabad kusoo dabaala dhibaatada ka dhextaagan dadka walaalaha ah ee wada degan degaanka  cagaare ayaa maanta 22 December 2017 waxa ay ka ambabaxeen magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, kadib markii Madaxweynaha Dawladda Puntland ku booriyey labada beelood ee dagaaladu dhexmareen inay nabada ka shaqeeyaan.

Guddigan oo ka kooban Isimo, Culumo Aw-diin, nabaddoono, cuqaal, waxgarad, xeel-dheerayaal, ganacsato iyo culumaa’udiin ayaa ka hor intaanay ka anbabixin  degmada Buurtinle ayaa waxaa ay la hadleen iyagoona baaq nabadeed u diray lada beelood  ku dagaalamay degaanka Cagaare.

Imaam Cadiwahaab Maxamuud oo kamidda guddiga arintana loo xilsaaray ayaa sheegay inay gurmad u yihiin sidii ay u xakamayn lahaayeen dhibaatada ka dhextaagan shacabka walaalaha ah, waxaana uu sheegay inay yihiin dadka dhimanayaa dad walaalo ah oo isku ehel ah, hal qoys ah oo hal degaan ah, isla markaana waxa uu baaq u diray shacabka labada dhinac ee degaankaasi wada degan inay joojiyaan dhibaatada, xaaladdana nabad, waan-waan iyo wada hadal ku dhameeyaan.

Nabadoon Yaasiin Cabdisemed oo kamida nabadoonada Puntland ayaa dhankiisa sheegay in ay ka waxgarad ahaan ka xun yihiin dhacdada foosha xun ee ka dhex dhacday dadka ehelka ah, waxaana uu cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay dadka shacab ka ah ee wada degan dhexdooda nabad uga dhex dhalan lahayd, isla markaana waxa uu xusay inay ka rajaynayaan waxgaradka dhinaca kale inay iyana dhankooda ka shaqeeyaan daminta colaaddaasi.

Dhinaca kale Shiikh Maxamed Caalin Axmed oo kamidda culima aw-diinta Soomaaliyeed ee rere Puntland oo ka hadlay madasha baaqa nabadeed ayaa shegay in Alle “SWC’ ”sheegay in qofkii qof muslim ah dila oo kas iyo ula kac u dila in naarta Jahana Alle ku abaal marinayo cadho Allena ay ku dhacayso, raxmadda Allena laga fogaynaayo oo isaga iyo shaydaan isku meel la-dhigayo “.

Ug danbayn, Shiikh Maxamed Caalin Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Rasuulkeena Maxamed “SCW” uu yidhi ” laba qof oo muslimiin ah oo mid walbi hubkiisa sito haddii ay iska horyimaadaan oo ay dagaalamaan labaduba naartay gelayaan”.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.