Sheikh Daahir Awcabdi oo digniin adag u direy Baarlamanka Soomaaliya

Hadal laga soo duubay wadaadka caanka  Sheikh Daahir Aw-cabdi oo soo gaaray Warbaahinta PUNTLAND POST wuxuu si adag uga hadlay Shiikhu dhawr arrimood sida xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo Dalalka Carabta,Digniin habaar ah oo ku socota Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya oo uu ugu baaqay inay joojiyaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda iyo Arrimo quseeya dib u dhaca mudada dheer ka jiray dalka.

Sheekh Daahir ayaa intii uu waday khudbada waxaa indhihiisa soo dhaaftey ilmo wuxuuna ku sheegay dalalka carabtu inaysan abaal iyo wanaag midna ku lahayn taariikhda kasoo kabashada colaadihii mudada dheer ka jiray dalka Soomaaliya.

Shiikha ayaa ku eedeeyay dalalka Carabta  kuwo aan u turi jirey shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay xaaran tahay maanta in lala kala safto, Isagoona ugu baaqay Soomaalidu inay ka shaqeyso sidii ay u garab istaagi lahaayeen Dowladooda.

Daawo Digniinta Sheikh Daahir Awcabdi

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.