Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo magacii lagaga bedelay Xeer Madaxweyne Lr-151 December, 20, 2017 Wakaaladda Wararka dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu arkay: Tala soo jeedinta Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka dawladda Puntland,
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa magaca Wakaaladda Wararka dawladda Puntland loo bedelay Wakaaladda Warbaahinta iyo Horumarinta Teknoolajiyadda dawladda Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.