Ciidanka Puntland oo dilay ku dhawaad 20 ka tirsan Alshabab

Saldhig ay ku leeyihiin kooxaha ku dhuumalaysta buuraha Calmadow Deegaanka Madarshoon oo qiyaastii 30 KM ka durugsan tuulada Galgala ayaa xalay saqdhexe waxaa weeraray ciidamada amaanka Puntland ee PSF, waxaana wararku sheegayaan dagaal culus inuu halkaas ku dhexmarey labada dhinac Alshabab iyo Ciidanka.

Sarkaal ka tirsan ciidanka ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST in lagu dilay weerarkan ku dhawaad 20 ka tirsan maleeshiyadda Alshabab oo ay ku jiraan saraakiil Ajnabi ah, wuxuuna sheegay inuu kooban yahay khasaaraha dhinacooda.

Dhinaca kale warar madax banaan oo laga helayo Galgala ayaa sheegaya jiritaanka gaari ciidanku leeyahay oo miino la kacday maanta ayna ku dhinteen ka mid ah askarta.

Kala soco PUNTLAND POSTĀ  wixii faahfaahin ah.