CC Sharmaake oo cambaareeyay xariga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa si xooggan u cambaareeyey xarigga loo gaystay siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo habeenkii Axaddii ay xireen ciidamada dawladda Federalka Soomaaliya kadib markay weerareen guri uu degganaa.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in siyaasigaasi si degdeg ah loo sii daayo ka dib wareysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee Idaacadda codka Mareykanka VOA.

RW Cumar Cabdirashiid ayaa ku tilmaamay xariga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyadda islamarkaana dalka dib ugu celinaysa 1991-kii.

Dhagayso Cumar Cabdirashiid

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST