Garowe oo u istaagtey guushii xulka Puntland uga adkaatay Banaadir

Mar qudha waxaa ka bilowday Caasimada Puntland damaashaad xamaasadeysan oo aad isleedahay dadku badankood isma ay oga waxay leeyihiin, madaama filan-waa ay u ekayd guushii xulka Puntland uga adkaaday galabta Gobolka Banaadir.

Fagaaraha ay caanka ku tahay Garowe waxaa soo buuxiyay Ciiroole iyo Caruur…Dhalinyaro iyo Dhameystii dumar oo dhan ahayd,waxaana ka socday ilaa galabta dabaaldeg, halka gadiid farabadan yaacayeen jidadka dhexmara magaalada.

Haddaba Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa halkaan kusoo gudbinaysa qaybo ka mid ah dareenka dadweynaha Puntland galabta ay soo bandhigeen ka dib ciyaartii Puntland 1 gool kaga badisay Gobolka Banaadir.

DAAWO.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST