Jawaari “Xukuumada hala timaado nidaam lagu hago wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaaanka Soomaaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre in ay la timaado nidaam siyaasadeed oo lagu hagayo wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Isagoo ka hadlayay xiritaanka Kalfadhigii labaad ee Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay Jawaari in loo baahan yahay in laga mira dhaliyo wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland, madaama lagu guuldareystay sanadihii dambe.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa loogu fadhiyaa in ay soo noolayso wada-hadalkii Somaaliya iyo Somali-land, oo laga baxo habkii hore ee lab-laabka ahaa islamarkaana raisulwasaare Xasan Cali Kheyre Xukuumadiisa la timaado nidaam siyaasadeed oo lagu hagayo wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland”, ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Dhowr jeer waxaa fashilmay wada-hadaladda Soomaaliya iyo Somaliland iyadoo labada dhinac ay eedeemo isku jeediyeen.

Hoos ka Dhageyso Codka Jawaari