Cilad ku timid Diyaarad sidday Soomaali laga soo Masaafuriyay Mareykanka

Diyaaradd Sidday ku dhawaad 92-qof ayaa ku laabatay jimcihii dalka Mareykanka kadib markii ay ku timid cilad.

War kasoo baxay Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay cilad soo wajahday inta aysan ka daganin Garoonka diyaaradaha magaaladda Deka ee Caasimadda dalka Senegal ee qaaradda Afrika.

Dadka diyaaradda sarnaa waxaa ku jiray 4- reer Minnesota ah oo aan haysanin sharciga lagu joogo dalka Mareykanka,waxaa gacanta ku dhigay waqtiyo kala duwan Ciidamadda Booliska dalkaas.

Dhanka kale war kasoo baxay Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dadkaan ay haatan ku laabteen dalkaas,islamarkaana qorshaha uu yahay in mar kale ay safar soo noqdaan.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Trump Boqolaal Soomaali ah oo Sharci daro ku jooggay dalka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

Horey waxaa Soomaliya usoo gaaray diyaarad sidday in ka badan 50 qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka.

Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka, halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.

PUNTLAND POST