Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay go’aanka Maraykanka ee Qudus.

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu magaalada barakaysan Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya oo lagu baahiyey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa Maraykanka loogu baaqay in uu si dhab ah uga fiirsado“halista go’aankaan ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka”.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dalalka Carabta,Islaamka iyo guud ahaan Caalamka ugu baaqday in ay laba-laabaan dadaalka xal u helista Qadiyadda Falastiin“si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka”.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay taageerada iyo garab is-taagga shacabka Falastiin sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

PUNTLAND POST