Fanaanadii Ugu horeysay oo heesaa ka Noqota Soomaaliya oo Geeriyootay

Waxaa xalay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ku geeriyootay Fanaanadii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee noqota heesaa.

Shamis ismaaciil abuukar oo aheyd haweyneedii ugu horeysay oo ka heesta goob masrax ah waxeyna sidoo kale aheyd quf maama ah oo da,ah waxeyna Mudooyinkii danbe ku xanuunsaneysay Magalaada hargeysa ee Caasimada Somalilland.

Guduudo Carwo oo waxay fanka ku soo biirtay xilli aan Soomaalida sidaa u aqoon fanka casriga ah, waxayna ahayd gabadhii ugu horeysay ee ku dhiiratay inay masrax korto hees-na ka qaado, iyadoo markaas kadib ay fanka u biireen hablo fara badan.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Hargeysa oo qabanqaabo weyn ay ka socoto. Waxaan u tacsiyadeeyay Shacab Soomaaliyeed iyo gaar ahaan bahda Fanka oo shaqsi qaali ah uu ka baxay.

PUNTLAND POST