Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 December 2017 cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada oo dhaawac soo gaadhay dhowaan iyagoo ku guda jira difaaca dalkooda.
Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ciidanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshayta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Madaxtooyada dawladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa kulan laqaatay maamulka cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho suu uga warayso xaaladda caafimaad ee saraakiisha, waxaana ay u xaqiijiyeen Madaxweynaha in guud ahaan ciidanka ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay maalinba maalinta ka danbaysa kasoo raynayaan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u qooqday saraakiisha dhowaan dhaawacu ka soo gaadhay qarax ay labeegsadeen sharwada yaasha tamarta yar, iyagoo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu si naxaariis iyo masuuliyadu ku jirto ula-dareemay xaaladda ay ku jiraan, isla markaana waxa uu Alle uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, waxaana ay kamid ahaayeen saraakiishani illaalada khaaska ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.