Daawo: Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo Garoowe ka daah-furay Shirweynaha Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa

Shirweynaha Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa ee puntland,sidoo kalena ay gacansiisay hay’ada UNDP,ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyin  ka socday dowlad goboleedyada dalka iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya,saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ,ururrada bulshada rayidka ah,isimo culimaa’udiin iyo mart sharaf kale.

shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa cirib-tirka musuq maasuqa iyo dhismaha maamul wanaagga,waxaana ugu horaynba sharraxay muhiimadiisa madax hay’ada Astaynta Maamul Wanaaggaa iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa ee Puntland, Cabdiraxmaan Cali Guureeye,wuxuuna sheegay in la qaadayo dagaal saf ballaaran oo ka dhan ah musuq maasuqa.

Gudoomiyaha Dallada ay ku midaysan yihiin Ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSA Faysal Axmed Warsame ayaa munaasabada ka sheegay in shaqaalaha musuq maasuqa sameeya badankooda mashaar yari u gayso.

Hanti dhowraha Guud ee Puntland Jaamac Bulqaas ayaa dhankiisa tilmaamay in musuq maasuqu aanu ka jirin hay’adaha dowladda oo keliyaha,balse u saameeyey guud ahaan bulshada.

Axmed Cali Abakor,ku xigeenka xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay”isla xisaabtan iyo daahfurnaan.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda K/Galbeed cabdullaahi Cabdiladiif Maxammed oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ka socda maamul goboleedyada kale ee ka soo qayb galay shirkaan ayaa musuq maasuqa ku tilmaamay sida Cancer-ka wadnaha ku dhaca oo kale,islamarkaana ay adagtahay haddii uu baaho in si yar looga takhaluso.

wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle oo munaasabadda ka hadlayey ayaa rajo ka muujiyey in laga guulaysto musuq maasuqa ragaadiyey guud ahaan Soomaaliya.

maadxweyne ku xigeenka puntland cabdixakiin cabdulaahi xaaji cumar camey shirweynahaan daah-furay ayaa sheegay in hadii aan musuq maasuqa lala dagaallamin la heli doonin maamul caafimaad qaba.

Halkaan ka daawo Muuqaalka.

Sawirrada Shirka.

PUNTLAND POST