Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Ayiday Go’aankii Xayiraaddii socdaalka ee D. Trump

Washington (PP) ─ Maxkamadda ugu sarreysa Maraykanka ayaa go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo Mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix waddan oo muslimiin ah.

Go’aankan ayaa wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah. Iyadoo Go’aanku  uu xoojinayo siyaasaddii madaxweyne Donald Trump ee ka dhanka ahayd ee Iiraan, Chad, Liibiiya, Somalia, Suuriya iyo Yemen.

Wuxuu go’aankan ayaa kusoo beegmayaa markii saddexaad oo isbeddel lagu sameeyay markii uu amarkan bixiyay Madaxweyne Trump tan iyo markii uu xilka la wareegay horraantii sannadkaan dhammaadka ah.

Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor oo kali ah ayaa raali ku ahaa inuu wali sii laalnaado go’aanka madaxweynuhu.

Sidoo kae, Maxkamadaha racfaanka ee San Francisco, California, Richmond iyo Virginia ayaa dhagaysan doona doodda Todobaadkan si ay u fiiriyaan bal in soo celinta siyaasaddan ay sharciga waafaqsan tahay.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa xustay in ay filayso in maxkamadahaasi ay go’aan ka gaaraan arrimaha qaarkood. Kuwaas ayaana ugu dambayn dib loogu celin doonaa maxkamadda sare.

Go’aanka shalay la gaaray ayaa tilmaamaya in Maxkamadda ugu sarreysa Maraykanku ay taageeri doonto siyaasadda maamulka, sida ay sheegeyaan dadka ka faalooda arrimaha cadaaladdu.

David Levine oo bare sare ka ah culuunta sharciga ee jaamacadda University of California Hastings ayaa wakaaladda wararka eee AP u sheegay in ay fahankooda la tahay in ay dawladdu guulaysan doonto si ka duwan sidii markii hore loo malaynayay.

Hogan Gidley oo ah afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee looga Arrimiyo Dalka Maraykanka ayaa sheegay in uusan la yaabin go’aanka maxkamadda sare.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay guul wayn oo u soo hoyatay amaanka iyo badqabka dadka Maraykanka ah.

Balse, Ururka xuquuqda shacabka u dhaqdhaqaaqa ee ACLU ayaa sheegay in Twitter-raddii uu toddobaadkii hore sii baahiyay madaxweyne Trump ee ay lahaayeen qolyaha Britain u dhashay ee siyaasaddoodu garabka midig tahay in ay taasi muujinayso in uu faquuqayo Muslimiinta.

“Muslim kasoo horjeedidda Donald Trump sir ma aha si ku celcelis ah ayuu u xaqiijiyay arrintaas, waxaana ka mid ahayd Twitter-kii uu toddobaadkii hore baahiyay,” sida uu sheegay Omar Jadwat.

Ugu dambeyn, Nasiib-darro xayiraaddaas socdaalka lixda Waddan ee ay ku jirto Somalia hadda si buuxda ayay u dhaqan-geli kartaa, laakiin Amarkaan ma uusan taabanin gundhigii waxyaabihii aan tabanaynay.

PUNTLAND POST