MADAXWEYNE FARMAAJO: Waxaa naga go’an inaan ku xisaabtanno wixii aan ku heshiinno

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirka Muqdisho oo ay kasoo Qayb-galeen ku dhawaad 30 Dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka.

“Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsan yihiin dhinacyo muhiim u ah nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka Lacagta Dowladda.

Sidoo kale, Mudane Farmaajo wuxuu xusay in Dowladdu ay ku guuleystay dhaqaajinta qorshayaasha dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka sannadka 2020-ka oo ah qorsheyaal u baahan xasillooni siyaasadeed oo ka jirta dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha DF wuxuu ku boggaadiyay Beesha Caalamka iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka Qaadanayaan Qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

“Waxaan dareensan-nahay in saaxiibadeenna caalamka aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Somalia maalgashadaan. Balse si taas lamid ah waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno,” ayuu khudbaddiisa ku xusay.

Ugu dameyn, Shirka Muqdisho oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeeyey hirgelinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, sidii Ciidamada Dowladda Somalia ay ugala wareegi lahayd amniga dalka Ciidamada Afrika ee Somalia AMISOM, xoojinta hannaanka Federaalka, doorashooyinka sanadka 2020, kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.

PUNTLAND POST