Jilaagii caanka ahaa ee Reer Hindiya Shashi Kapoor oo geeriyooday

Delhi (PP) ─ Shashi Kapoor oo ahaa jilaa iyo soo saare ka tirsanaa Bollywood ayaa ku dhintay hindiya wuxuuna ahaa 79 sano jir. Kapoor, oo jilay aflaan badan oo meel sare gaaray sida Deewar iyo Kabhie Kabhie, wuxuu xanuunsanaa muddo oo uu ku jiray cisbitaal.

Jilaagan geeriyooday wuxuu xubin ka ahaa qoysaska Kapoor, kuwaas oo tobannaan sanno aad ugu badnaa jilidda aflaanta Hindiga.

Wuxuu dhowr goor ku guuleystay abaalmarinno qaran, waxaa sidoo kale dowladda Hindiya ay siiyay abaalmarinta sharfidda shacabka ee Padma Bhushan, sannadkii 2011-kii.

Sidoo kale wuxuu ka qeybgalay jilliinka aflaan British iyo American ah. Kapoor wuxuu aflaanta ku soo biiray isagoo aad u yar, wuxuuna jilay illaa 150 filim oo ay ka mid yihiin tobannaan ah aflaanta Britain.

Aflaantiisa qaar waxaa loo turjumay Afsoomaali waxaa daawado dad badan oo Soomaali ah oo taageera jilaagan.

Wuxuu aflaan badan la jilay jilaaga caanka ah Amitabh Bachchan (oo Soomaalida qaar ay u garanayaan Cali Dheere), kaas oo ahaa ragga ugu aflaanta fiican Bollywood. Sannadihii 1970-maadkii illaa 18-meeyadii, waxay labada jilaa sameeyeen aflaan ay walaalo wanaagsan yihiin ama saaxiibo aad isugu fiican.

Hadalkiisii ahaa “Mere paas maa hai” (Laakiin waxaan haystaa taageerada hooyo) – xilli ay murmeen Cachchan oo walaalo ay ku jilayeen Deewar, wuxuu haqday middkii ugu sareeyay ee malaayiin tqof oo caalamka ku kala sugan ay taageereen.

Xigasho BBC

PUNTLAND POST