Ciidamada Dowlada oo hakad galiyay isku socodka gaadiidka dadweynaha Muqdisho

Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa saaka lagu soo daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo aad u farabadan oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa  ku amray gaadiidka gaadiidka dadweynaha in ay dib uga laabtaan Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Wadooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo Soddonka ayaa guud ahaan saaka Xiran iyaga oo aanay gaadiidka isticmaaleeynin.

Sababaha ugu weyn ee saaka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay shirka u dhaxeeyo madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka furmayo Muqdisho.

Dadweynaha Muqdisho si ay isaga gudbaan degmooyinka Muqdisho ayaa waxa ay isticmaalayaan lug iyada oo xitaa lagu soo waramayo in meelaha qaar dadka loo diidayo in ay lug ku maraan oo dib loo soo cilanayo.

Shacabka ku dhaqan Muqdisho ayaa cabasho balaaran ka muujinayo xirnaashiyaha wadooyinka Muqdisho oo saameeyn balaaran ku yeelatay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho