Hay’ada WHO oo dalbanaysa Malaayiin Dollar oo Wax looga qabto Caafimaadka Somalia


Muqdisho (PP) ─
Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay Axadda maanta ah inay weli la’dahay 5-milyan oo dollar oo ay doonayso in ay wax uga qabato caafimaadka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay WHO kasoo saartay Muqdisho ayay ku sheegtay inay lacagtan gacan weyn ka geysanayso sidii ay u sii wadi lahayd ka shaqeynta caafimaadka Somalia iyo ka jawaabidda xaaladaha deg-degga ah.

“Hay’addu waxay sii wadaysaa taageerada ay siiso wasaaradda caafimaadka Somalia, gaar ahaan dhinacyada la talinta iyo dhaqaale siinta, si wax looga qabto cudurrada faafa ee daashaday bulshada Soomaaliyeed,” ayaa sheegay Ghulam Popal oo ah madaxa hay’adda WHO ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Hay’addu waxay sheegtay in iskaashiga WHO iyo Wasaaradda DF u qaablisan caafimaadka ay keentay in la ballaariyo tababarida iyo xirfadaha lagu xoojinayo maareynta barnaamijyada caafimaadka heer Qaran ee Dalka.

Dhanka kale, Popal ayaa hadalladan ka sheegay furitaanka tababar Maanta laga furay Muqdisho, kaasoo soconaya laba maalmood oo ku saabsan sidii looga hor-tegi lahaa shuban-biyoodka iyo daacuunka oo dhibaato ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed.

“Tababarkan waxaa xubnaha lasoo xulay lagu bari doonaa habka looga hor-tago cudurka daacuunka, tallaalkiisa, maareyntiisa iyo ka hortagga nafaqo-darrada ku dhacda carruurta,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta.

Dadka la tababarayo ayaa la sheegay in siin doono tilmaamo ku hagaya sida dhaqsaha badan ee looga hortago shuban haddii uu deegaan ka dillaaco, isla markaana looga badbaadiyo bulshada, sida habka loo qaso milanka ORS-ta loo yaqaan ee nafaqada soo celisa marka uu qof shuban ku dhaco.

Sida laga soo xigtay Hay’adda WHO tababarkan ayaa waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 800-qof oo isugu jira shaqaale caafimaad iyo dadka si iskood ah uga qayb-qaadanaya hawlaha caafimaadka deegaannadoda tan iyo bishii la soo dhaafay ee November.

Ugu dambeyn, Intii u dhexeysay bilhii Jannaayo iyo November ee sannadkan 2017-ka, waxaa la diiwaan-geliyay 78,596 kiis oo cudurka daacuunka ah, iyadoo uu cudurkan dilay 1,159-qof, kuwaasoo ku noolaa 55 deegaan oo ka kala yaalla 18-ka Gobo lee Soomaaliya ay ka kooban tahay.

PUNTLAND POST