Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Zoope oo tiradoodu ay gaartay in ka badan 500 oo Ruux

 Muqdisho (PP) ─ Sida laga soo xigtay guddi baaritaanno dheeraad ah ku sameeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii Oktoobar 2017-ka lagu jiro ka dhacay isgoyska Zope ee Muqdisho ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay gaarayso 512-qof.

Tirada dhimashada Qaraxaas ayaa horay loo sheegay inay ahayd 358-qof oo u badan ganacsato isgoyskaas ganacsiyo kala duwan ku haystay, laakiinse tira-koobkan cusub ayaa meesha ka saaraya tiradii hore.

Weerarkan ayaanay jirin weli koox si rasmi ah u sheegatay inay mas’uul ka ahayd, balse waxaa lagu eedeeyay Kooxda Al-shabaab oo dagaallo joogto ah kula jirta dowladda Soomaaliya ee uu caalamku taageero.

“Tirada guud ee shacabkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii Zope ee aanu diiwaan-gelinay ayaa waxay gaaraysaa 869-qof, dadkaas ayaa 512 qof oo ka mid ah ay ku geeriyoodeen, halka 295-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 70-qof ayaana weli lagu la’yahay,” ayay guddigan ku sheegeen war-bixin ay soo saareen Sabtidii shalay.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo saaray inay baaritaanno dheeri ah ku sameeyaan weerarkii argagaxiso ee 14-kii Oktoobar ka dhacay isgoys aad u mashquul badan oo lagu magacaabo Zope, waxayna kusoo beegeen toddobaadkan shaacinta warbixintooda kama dambeysta ah.

Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay in baaritaanno ay ku sameysay weerarkaas ay ku waxyeeloobeen; 689-qof, balse guddigaan ayaa meesha ka saaray shakiyo badan oo jiray, kaasoo ahaa in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay.

Kooxda Al-shabaab oo qaraxan lagu eedeeyay, balse aan ka hadlin ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii dagaal kula jirtay Dowladda Somalia, iyadoo tan iyo xilligaas isku dayaysay inay xukunka ka tuurto, balse aan ku guuleysan.

Ugu dambeyn, weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-5 ee Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii xukunka laga tuurtay dowladda millateriga ahayd 1991-kii.

PUNTLAND POST