Wasiiru dowlihii Wasaarada arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha maamulkaas.
Yuusuf Cali ayaa ku macneeyay sababtuu isaga casilay xilkii loo mgacaabay in uusan ku qanacsaneen xilka wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Hirshabeelle, islamarakaana icasiladiisa uu u gubdiyay madaxweynaha Maamulka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare.
Shalay oo jimco aheyd Taariikhdana ay ku beegneed 1/12/2017 waxaa iscasilay Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec oo ahaa Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle kana tirsanaa xubnihii la soo magacaabay 29-kii bishii November ee sanadkaan.
29-kii Bishii November ayaa waxa iscasilay Ismaaciil Maxamad Culusow oo ahaa wasiiru dowlaha cusub ee wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Hir-Shabeelle, kadib markii uu sheegay in aan laga tashanin.
Tan iyo Markii la magacaabay Golaha Wasiiradda maamulka Hir-shabelle waxa jirey cabashooyin kasoo yeeray qaar kamid ah beelaha daga Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
PUNTLAND POST