Shir looga hadlayey siyaasadaha hannaanka maamulidda iyo kaydinta xogta dawladda oo Garoowe lagu qabtay

Shirkaan oo looga hadlayey hannaanka siyaasadaha kaydinta maamulidda xogta dawladda ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda qorshaynta, waxaana ka soo qayb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarad iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana, Agaasimaha Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Barni Ciise, madax qaybeedada dhammaan hay’adaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca CIP ee Baanka adduunku ka caawinayo Dawladda, Xubno ka socdey xiriirka Mashruuca CIP ee PCU iyo Khuburo caalami ah ka socotey Baanka adduunka.

Shirka ayaa waxaa lagu lafo gurayey isla markaana wax ka beddel loogu samaynayey siyaadaha Kaydinta xogta dawladda oo dhowaan laga diyaariyey dhammaan xarumaha dawladda isla markaana la doonayo in dib loo eego lana tafaftiro kadibna si toos ah loogu dhaqan geliyo xarumaha dawladda.

Yusuf Dahir oo ku hadlayey magaca xiriirka Mashruuca ee PCU oo hadal ka jeediyey shirka ayaa tilmaamay muhiimadda mashruucaani uu u leeyahay bulshada iyo isbeddelka muuqda ee ka hirgalay dalka isagoona xusay in uu mashruucu marwalba dhiirri gelinayo inuu dawladda kala shaqeeyo tayaynta shaqaalaha, dejinta siyaasadaha iyo dhammaan arrimaha la xiriira horumarinta hannaanka dawladnimo.

Barni ciise oo ah agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha  oo iyaduna kelimadeeda goobta ka jeedisey ayaa bogaasidey shaqaalaha dawladda ee isu xilqaamay kasoo qayb galka shirkaan, isla markaana waxay xustay inay muhim tahay in si taxadar leh looga baaraan dago  arrinta la xiriirta siyaadaha maamulka iyo kaydinta xogta dawladda iyadoona ku adkaysay inay juhdi geliyaan sidii ay talooyin wax ku ool ah ugu biirin lahaayeen arrintaan.

Sidoo kale Mrs. Rosa oo ah la taliye khibrad dheer u leh dejinta siyaadaha maamulidda iyo kaydinta xogaha ama  waxa afka qalaad lagu yiraahdo Record and Archive management ayaa ku dheeraatay muhimadda ay arrintaani u leedahay dawladda Puntland.

Agaasime Axmed Cabdalla Tigaana oo shirka furay ayaa ku boorriyey daadihiyayaasha shirka iyo dhammaan kasoo qayb galayaashiiba inay si qoto dheer u dersaan Siyaasadahaan , waxna ka beddelaan, waxna ku daraan isla markaana ay soo saaraan siyaasado dhaxal gal u ah mustaqbalka hannaanka maamulka iyo kaydinta xogta dawladda.

Shirka ayaa socon doono muddo shan maalmood ah waxaana la filayaa in maalinta la soo gunaanadayo ay kasoo bixi doonto natiijo wanaagsan oo wax ka beddeli doonta sida loo kaydiyo loona maamulo xogaha dalwadda, maadama dadka shaqadaan qabanayaa ay yihiin dhallinyaro aqoon yahan ah oo dadka iyo dalka wax usoo bartay.