Dood ku saabsan khilaafka wadamada Khaliijka iyo mowqifka Soomaliya oo lagu qabtay Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Dood ku Saabsan Saamenta Khilaafka Wadamada Khaliijka iyo Dawlad Gobaleedyada Soomaliya oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi Baarinta Geeska Afrika ayaa ka dhacaday Magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka bari.

Waxaa ka soo qeyb galay kulanka xubno ka socday golaha wasiirada Puntland, aqoonyahano, siyaasiyiin, dhalinyaro, madaxda jaamacadaha, culimo’udiin, madaxda bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta .

Wasiiro dowlaha wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdifitaax Nuur Ashkir oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sharaaxaad dheer ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeyey Soomaaliya iyo wadamada khaliijka.

”Sidaa ognahay waxaa iskhilaafay wadamo aynu nahay walaalo, sharciga adduunkana kuma dhisna in wadan la isku xulufeysto, su’aasha aan maanta isweydiinayno waxa ay tahay maxaan ka faa’idnay jirjiga wadanka Qadar, wadomo oo ay ka mid yihiin Itoobiya Qadar waxa ay ka faa’ido mashaariicyo badan, waxaan u baahanahay in meel cad aynu ka istaagno khilaafyadaasi ayuu yiri Wasiiro dowlaha wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdifitaax Nuur Ashkir.”

Gudoomiyaha jamacadda Bosaso Pof. Cabdiwali Cabdiraxaman Geere ayaa isna sharaax sidoo kale ka bixiyey xiriirka wadamada Khaliijka kala dhexeeyey Soomaaliya.

Madaxa xarunta cilmi baarista geeska Afrika Liibaan Axmad Shire ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeyo Soomaaliya iyo khaliija uu yaay soo jireen, iyadoo taariikhda qoray inta aan la hormarin in wadamadaasi khaliijka ay ahaayeen wadamo baahiyo iyo duruufo badan ka jirtay.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso