Xeer-ilaaliyaha Guud oo Sheegay in 1024 Qof oo Soomaali ah ku xiran yihiin Caalamka

Muqdisho (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo maanta marti ku ahaa Barnaamij Jimco walba ka baxa Warbaahinta DF, ayaa ka hadlay Arimo badan oo ka mid ah howsha xafiiska xeer-ilaaliyaha Qaranka iyo horumarada laga gaaray waajibaadka loo igmaday.

Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada caalamka ee lagu eedeeyay iney xiriir la yihiin falal burcad badeednimo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka war heyso xaalada muwaadiniintaasi,islamarkaana ay socdaan hanaan qaarkood lagula soo wareegayo.

Xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay in ku dhawaad 1024-ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ay ku xir-xiran yihiin xabsiyada 22 Dal oo ka ka mid ah caalamka, kuwaasoo dhibaatooyin kala duwan la kulma.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa xusay in si caadi ah hoos uga sii dhacayaan tirada maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Seychelles, India, Kenya, Tanzaaniya, Cummaan iyo waliba dalalka Khaliijka Qaarkood.

Dr. Daahir ayaa carabka ku adkeeyay inay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagula soo wareego 12-Qof oo muwaadiniin Soomaaliya oo  ku xiran dalka Siishalis,kuwaasi oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo.

Waddanka Hindiya ayuu sheegay iney u socdaan wada hadalo,islamarkaana ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ka mid tahay is-weydaarsi maxaabiis, isla markaana hadda Dowladda ay qorsheyneyso sidii maxaabiis dhawr ah India ugala soo wareegi lahayd, sida uu xeer-ilaaliyaha hadalka u dhigay.

Dalka Cummaan, waxaana ku xiran ku dhawaad 34-ruux oo lagu eedeynayo falal burcad-badeednimo ah, wuxuuna Dr. Axmed Cali Daahir farta ku goday inay ku daba jiraan sidii loo soo sii deyn lahaa maxaabiistaas.

Xeer-ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay inay jiraan waddamo badan oo ay kula jiraan wada-hadalo lagu soo sii deynayo maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay haddii ay jirto dambiga lagu eedeynayo loogu qaado Dalkooda Hooyo.

Ugu dambeyn, Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan xabsiyada dalalka Caalamka Qaarkood, kuwaasoo lagu eedeynayo danbiyo kala duwan,waxayna Dowladda Somalia dadaal ku bixinaysa sidii dhalintaas dib loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo.

PUNTLAND POST