Baarlamaanka Soomaaliya oo la hor-geeyay Miisaaniyada 2018-ka

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Somalia, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Baarlamaanka hor-geeyay Faah-faahin ku saabsan Miisaaniyadda Sannadka soo socda ee 2018-ka.

Miisaaniyaddii sannadkan 2017-ka ayaa waxay ahayd $245.9 milyan, balse miisaaniyadda sannadka soo socda waxaa lagu sameeyay is-beddel.

Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ayaa si ay u meel-mariso hawlaha u qorsheysan sanad miisaaniyadeedka ka bilaabanaya 1-da Janaayo ee sannadka 2018-ka, kuna dhammaada 31-ka December ee 2018-ka, ayaa si hoos ku qoran loo qoondeeyay Dakhliga khasanadda iyo Lacagaha kale ee Dowladda, iyadoo sidan loo qeexay;

Wadarta Guud ee Miisaaniyadda waa sidan:

1. Kharashka joogtada ah:                                             US$ 260,171,727

2. Kharashka Raasumaalka:                                           US$ 14,458,464

Wadarta Guud:                                                             US$ 274,630,191

Haddaba Haddii ay timaado hoos u dhac kharashaadka ah, waxaa mudnaanta la siin-doonaa:

Raashiinka iyo Gunnooyinka ciidamada qalabka sida

Khidmadda maaliyaddu ku shaqeyso(Banka iyo Gobolka)

Mushaarooyinka/Gunooyinka shaqaalaha rayidka ah

Gunnada Xildhibaannada iyo G/Wasiirada

Mushaaraadka iyo Gunnooyinka gashibaxa ku jira ee ka soo wareegay sanadkii hore

Adeegga iyo Agabka xafiisyada dowladda qaranka iyo gobollada

Gashibaxa alaabta iyo qaamaha la hormarsaday

Qeybta Laga Qaadayo Canshuurta shaqaalaha dowladda

0-200 dadka dakhligooda yahay waa 0 ama waxba lagama rabo.

201-800: waxaa laga rabaa: 6%

801-1,500 waxaa laga qaadayaa: 12%

1501 iyo wixii ka sareeyay: 18%

Canshuuraha kale:

Noocyada Tobacco: $6 iyo midda magaadka $4, Sigaarka royal iyo Sports: $22, sigaar Benson $24.

Qaadka: 2.5 per KG

Bansiin iyo Gaas: $56.25, Naafto MT $50.00, Fuusto Bansiin: $12.50 iyo Fuusto Naafto, Gaas: $11.25 Canshuuraha soo degayaasha iyo dhoofayaasha: $30

Canshuurta Hotellada Muqdisho: 5% adeegga ay bixiyaan. Canshuurta iibka isgaarsiinta, Korontada iyo Biyaha:  dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, korontada iyo biyaha waxaa waajib ah in ay bixiyaan canshuurta iibka sida tacrifada ku cad jaantuska hoose

Isgaarsiinta: 15%, Korontada: 5%, Biyaha: 5% iyo Internetka iyo TVyada: 5%

Deeqaha ay Dowladda Filayso:

Dowladda Turkiga oo sanadka laga helay 28,,105,332 waxaa laga filayaa sanadka 2018-da illaa 20,000,000

Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000,

Dalka Qatar waxaa sanadkan ay bixiyeen 10,000,000 isla Tobankaas Milyan  ayaa laga filayaa sanadka soo socda.

PUNTLAND POST