Garowe oo lagu qabtey barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is-arag.

Waxaa magaalada Garowe lagu qabtey kulanka 1aad barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is arag oo uu hindisay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Cabdisalaan Jaamac (Keynaan),oo sheegay sababta loo asaasay barnaamijkan inay tahay sidii isbedel loogu samayn lahaa bulshada, Iyadoo diiradda la saarayo dhalinyarada, loona marayo casharro iyo kulan cilmiyeedyo ku dhisan Aqoon, si loo helo bulsho u dhisan maskax ahaan kana madax bannaan waxyaabaha dalkeena ragaadshay ee aqoon yarida iyo qabyaaladdu ugu horayso, iyadoo kor loo qaadayo hab-fikirka aqooneed ee bulshada.

Kulanka 1aad ee barnaamijkan oo lagu falanqaynayay “Doorka dhalinyarada iyo Hoggaaminta” waxaa soo jeedinayay Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub), waxaana lagu qabtay Jaamacada PSU ee magaalada Garowe, waxaana kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada dawlada Puntland Dr, Maxamed Cali Faarax, Suldaan/Shiikh Cabdiqani Qorane, Agaasimaha daladda dhalinyarada Puntland Subeyr Cumar Cali, Ardayda Jaamacaddaha maagalada Garowe iyo qaar kamida qaybaha kala duwan ee bulshada.

Cabdulqaadir Keynaan wuxuu sheegay in barnaamijkan la joogteyn doono, islamarkaana labadii biloodba hal mar la qaban doono.

Daawo Sawiradda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST