Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey Waqtiga ay ku dhawaaqayaan Natiijada Codadkii ay shacabka Somaaliland ku soo dooranayeen hogaanka shanta sano ee soo socota.
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay soo afjareen tirinta coddadkii ay kala heleen xisbiyadu, balse ay dib u dhigeen ku dhawaaqida Natiijada, si ay u xaliyaan cabashooyin ka yimid qaarka mid ah xisbiyada Mucaaradka oo sheegay in Xisbiga talada haya ee Kulmiye uu Doorashada ku galay dhamaan Awoodii Dowladda.
Afhayeenka Guddiga Siciid Cali Muuse ayaa sheegay inay Natiijada si rasmi ah ay ugu dhawaaqi doonaan 17-bishaan oo ah maalin Jimco ah ka horna ay dabagal iyo hubin ay ku sameynayaan Suurto-galnimada in Musuq-maasuq uu dhacay.
Dhanka kale xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa guulo hor-dhac ah mid walba ka sheegtay doorashadii 13- November ka dhacday Somaliland.
PUNTLAND POST