Hay,adda GRT oo tababar usoo xirtey qaxootiga Yemen iyo Ethiopia

Ha’yadda GRT ayaa tababar ku saabsan tacdiyadda loo gaysto dadka magangalyo doonka ee ku nool deegaanada Puntland kusooo gabagabaysay magaalada garowe,waxaana loo qabtey tababarkaan dadka ay ka mid yihiin  Yemeniyiinta iyo Ethopian-ka.

Tababarka oo socday labo maalmood ayaa lagu bartey tacadiyadda ka dhanka dadka,waxaana ka faa,iidaystay dad gaaraya 30 qof oo ka mid ah dadka magangalyo doonka ah ee kasoo qaxay dalalka Ethiopia iyo Yemen.

Hay,adda GRT oo ka shaqeysa arrimaha quseeya tacadiyadda loo geysto caruurta, haweenka iyo dadka magan-galyo doonka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo tababar noocaan oo kale ah ay qabato Hay,adda GRT, Iyadoona horey usoo qabatey tababaro bulshada qeybaheeda kala duwan muhiim u ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST