Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray Ra’silwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.
Wafdiga Ra’isilwasaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo Dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh oo halkaasi kaga sii horeeyay.
Sidoo kale waxaa magaaladaasi Baraawe gaaray wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating.
Dhanka kale Warar ay warbaahinta Puntland Post ka heleeyso Baraawe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe oo ay maamulaan AMISOM.
Lama oga qasaaraha madaafiicdaasi ka dhashay hayeeshee Al-Shabaab ayaa ku soo beegay Madaafiicdooda xiligii ay soo dageen Wafdiga Ra’isilwasaare Kheyre.
Faahin Faahin Dheeraad ah Dib ugala soco Puntland Post Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho