Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ku wajahan Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.
Amaanka guud ee Magaalada Baraawe ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi sugaya amaanka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Ujeedada Ra’iIsul wasaare Kheyre uu Baraawe u tagayo ayaa ah sidii u soo indha indheyn lahaa xaaladaha halkaasi ka jira.
Magaalada Baraawe ayaa ah Magaalo Xeebeed dhacd Gobolka Sh/Hoose waxaana ay ku magacaabtahay Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed inkastoo aanay Maamulka ku shaqeynin.
Dhowr sano ka hor ayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM Al-Shabaab ka saareeyn magaalada Baraawe oo ah magaalo istiraatiiji ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho