Hay,adda GRT oo shir u qabatay bulshada iyo Booliska Garowe.

Hay,adda GRT ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatey shir ku saabsan isku xirka bulshadda iyo laamaha amniga, waxaana kasoo qayb galay Taliyaha iskuxirka Police-ka iyo bulshada,Gudiyada xaafadaha, Wasaarada haweenka,Barakacayaasha iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Abshir Yuusuf Maxamuud Madaxa Hay,adda GRT ayaa ugu horeyntii faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirka, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay isku xirka laamaha amniga iyo xaafadha magaalada Garowe,Isagoona xusay ka hay,add ahaan inay ka go,an tahay ciribtirka tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo caruurta.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliyaha isku xirka Police-ka iyo bulshada Cabdirishiid Cadceed Geelle, wuxuuna sheegay in Police-ku ka hawlgalayaan tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurta .

Wuxuuna ku dhiirigaliyey bulshaddu inay warbixinada ay usoo gudbiyaan police-ka si looga hortago tacadiga ka dhanka ah caruurta iyo haweenka.

Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xirtay Aamino Maxamuud Nuur oo ka socotay Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha qoyska,waxayna ka dalbatey kasoo qeybgalayaasha kulankaan inay xiriir yeesheen bulshada iyo laamaha Amniga si looga hortago tacadi walba oo loo geysto haweenka iyo caruurta, Iyadoona xustey deegaanada Puntland inay kusoo badanayaan falalka noocaan ah.

CIID QARAN.

PUNTLAND POST