Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota

Somaliland waxaa ka socota tirinta codadkii doorashada madaxtinimo ee shalay dhacday taas oo ay ku tartamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Markii cod tirintu billaabatay waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshadu kuwada xiriirto sida Facebook, Twitter iyo Whats App, iayadoo laga baqay in lagu faafiyo warar been abuur ah, waxaana xayiraadaas fuliyay  shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland, balse hay’adda xuquuqda Aadanaha ayaa cambaareysay talaabadaas kuna sheegtay in war helida in ay muhiim u tahay doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa la filayaa in ay maanta la hadlaan Warbaahinta, iyagoo ka warbixin doona  ilaa hadda inta santuuq ee tirintoodu soo gaartay iyo arrimo kale oo la xiriira doorashada.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa horey u sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dheg taagaya natiijada doorashada iyo cidda madaxweynaha u noqonaysa shanta sano ee soo socota.

Warar hordhac ah oo soo baxaya waxay sheegayaan inay aad isugu dhowyihiin codadka labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani.

PUNTLAND POST

Hargeysa