Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017 ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Xumbays Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Tala soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Xumbays.
- Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Xumbays.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.