Deeq loo qeybiyey qoysas kamid ah reer guuraagii ku cayroobay abaartii SIMA.

Urur weynaha Haweenka Puntland ee sagaalka gobol oo kaashanaya hay’adda Forum SYD,ayaa maanta magaalada Garoowe ka qaybiyey deeq ka kooban raashinka noocyadiisa kala duwan,waxaana deeqda la siiyey qoysas ku cayroobay abaartii “SIMA”,kuwaasoo isaga yimid saddex xero oo ku yaalla daafaha magaalada.

Wakiilka hay’adda Forum SYD ee mashruuca taakulaynta dadkii ku cayroobay abaartii”SIMA” Maxammed Cabdi Xaashi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in hay’addiisa ka go’antahay in ay caawiyaan dadka ay baro-kicisay abaarta,balse aan dhammaan baahiyaha jira la dabooli karin,wuxuuna ugu baaqay qoysaska ku tabaaloobay abaarta in ay baahiyaha ugu daran soo gudbiyaan,si wax looga qabto.

“Waxaad u baahantahay haddaanad qeexi karin,tusaale ahaan,adiga oo biyo raba haddaad shiminto dalbato,shiminto ayaa laguu keenayaa,marka waxaa la rabaa inaad ka hadashaan baahida muhimka ah maadaama ay jiraan baahiyo badan oo aan la dabooli karin.Waa baahannahay haddaad aniga igu tiraahdaan,waxaan oronayaa waa baahian yihiin oo keli ah,laakin haddii aad qeexdaan waxaan idiin dalbayaa wixii aad codsateen”,ayuu yiri Xaashi.

Faadumo Axmed Cabdi oo ku hadlaysay magaca dadkii deeqda loo qeybiyay ee ka soo baro-baxay degaannada miyiga ah xilligii abaarta ayaa si weyn ugu mahadcelisay guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland Marwo.Khadro warsame Jaamac oo wakhti badan gelisay wax u qabashada dadkii ku ceyroobay abaartii”SIMA”.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa guddoomisada urur weynaha sagaalka gobol ee haweenka Puntland oo har iyo habeen u taagan caawinta inta dhibaataysan gaar ahaanna dadka ku waxyeelloobay abaarta ee aan aniguba ku jiro,waxaan ilaahay uga baryayaa in uu ajar iyo xasanad ka siiyo,waxaan leenahay guddoomiyaha Alle ha ku barakeeyo“,ayey tiri Faadumo.

Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland ee sagaalka gobol Marwo.Khadro Warsame Jaamac ayaa sheegtay in deeqdaan aanay meel kale ka imaan balse ay tahay dhaqaale kooban oo ay iska uruuriyeen hay’adda Forum SYD iyo urur weynaha haweenka Puntland kadib markii ay arkeen dhibaatada haysata dadkii ay baro-bixisay abaartii SIMA/Oday-ka-weyn ee dalka soo martay.

“Deeqdaan waa dhaqaale aan iska uruurinay iyo maskax aan isku darnay kadib markaan aragnay dhibaatada haysata reer guuraagii ay cayraysey abaarta ee wax la’aanta ku soo dhacay,waxaan ka danqanaya hooyooyinka uurka leh ee wax ay afka geliyaan waayey iyo carruurta dayac iyo rafaadka qabta ee ka soo jeeda qoysaska abaartasi xoola tirtay”ayey tiri Khadro.

Sawirro.


PUNTLAND POST