Xidhibaanada Somalia oo Ansixiyay Sharciga Dhismaha Guddiga La-dagaallanka Musuqa

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka dhismaha guddiga madax-bannaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, kaasoo horay u soo jeedisay xukuumadda FS.

Dhismaha Guddigaan ayaa gacan ka geysan doona La-dagaalanka Musuq-maasuqa oo ah waxyaabaha ugu weyn ee ragaadiyay Dowladda Somalia, isla markaana horay u jireen kiisas musuq-maasuq ah oo ay ku lug yeesheen mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasoo aan maxkamad la soo taagin.

Sidoo kale, Wasaaradda Cadaaladda Somalia ayaa soo diyaarisay Hindise-sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, iyadoo haddii la dhiso guddigaan uu ka mid noqonayo guddiyada madaxa-bannaan ee la dhisay tan iyo markii la dhisay xukuumadda hadda jirta.

Dhanka kale, Sharcigan oo muddo ay ka doodeen xildhibaanada ayaa waxaa ugu dambeyn maanta loo qaaday cod, iyadoo ay Ansixiyeen 141 xildhibaan, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay.

Ugu dambeyn, Ansixinta guddiga ayaa waxay noqonaysaa tallaabo ka mid ah kuwa ay dowladdu ku doonayso inay kula dagalaanto musuqa, kaasoo si aad ah u ragaadiyay hawlaha hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Somalia.

PUNTLAND POST