Shacabka Somaliland oo u dareeray Codbixinta Doorashada Madaxtinimada

Codbixiyaasha Somaliland

Shacabka Somaliland ayaa saaka hiirtii hore u dareeray goobaha codbixinta Doorashada madaxtinimada Somaliland, iyagoo dooranaya madaxweynii hogaamin lahaa shanta sano ee soo socota.

Doorashadatan ayaa waxaa ku tartamaya saddex musharax oo ka kala socda saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye oo uu u sharaxanyahay Muuse Biixi Cabdi, Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cirro iyo Ucid oo uu u sharaxanyahay Faysal Cali Waraabe.

Si looga hortago in Doorashada lagu shubto waxaa codbixin loo isticmaalayaan Aalada casriga ah ee loo yaqaan Iris, taas oo wajiga qofka aqoonsata haddi uu markale soo laabto.

Deegaano dhowr ah oo u badan Gobolka Sanaag oo Somaliland u qorsheysay in doorashadu ka dhacdo ayaan laga codeynayn, kadib markii ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan Puntland gaareen.

Lixda fiidnimo ee caawa ayaa la xiraayaa goobaha codbixinta Doorashada, iyada oo marka ay soo dhamaato codbixintu hawada laga saari doono dhamaan baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Tani waa Doorashadii saddexaad oo qof iyo cod ah oo ka dhacdo Somaliland tan iyo sanadkii 2003.

PUNTLAND POST

Hargeysa