Puntland oo Gobolka Cayn ku qabatey kaararka codbixinta Somaliland.

Wafti uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Axmed Ibraahim Cawaale oo gaarey Gobolka Cayn ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah kaararka codbixinta Somaliland oo halkaas lasoo gaarsiiyay.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa lasoo gaarsiiyay  nuqul ka mid ah sawirada kaararka codbixinta Somaliland oo lagu qabtey jiida Gobolka Cayn ay ku leedahay Puntland.

Talaabadaan ayaa qeyb ka ah hawlgalo balaaran oo ay Puntland uga hortageyso in maamulka Somaliland uu soo gaarsiiyo diiwaangalinta iyo kaararka codbixinta doorashada xuduuda Gobolladda Sool,Sanaag iyo Cayn oo maalmihii lasoo dhaafey ay wadey ciidamada Puntland.

Daawo Sawiradda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST