Kulan ku saabsan joojinta takoorka dadka la nool cudurka Aids-ka oo lagu qabtey Garowe

Hay’adda dowliga ah ee la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee Puntand (PAC), ayaa maanta oo isniin ah qabatay kullan looga hadlayay jojinta takoorka iyo dhaleecaynta lagu hayo dadka la nool cudurka HIV/AIDS, ee ku nool degaamada Puntland

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dad ka socday qeybaha kala duwan ee bulsahda, si nabaddoonada, haweenka dhalinyarada iyo masuuliyiin katirsnan hay’addaha dowladda.

Ujeedada ugu muhiimsan ee kullankaan loo qabtay waxay tahay sidii bulshada taageero usiin lahaayeen dadka qaba xanuunkaan iyo joojinta takoorka lagu hayo.

Dr. Cabdirisaaq Xasan (Tubaako) ayaa sheegay takoorida iyo caawin la’aanta dadka la nool cudurkaan inay keenayso in cudurku sii faafiso oo dhibaatadiisu ay sii balaarato, Wuxuuna intaa ku daray dedaalka ugu weyn ee lagu xakamayn karo cudurkaan inuu yahay wacyi galinta bulshada iyo joojinta faquuqada.

Madaxda dhaqanka ee ka hadlay kullankaan ayaa cod dheer ku taageeray dadka la nool xanuunkaan, waxayna bulshada iyo dowladda ugu baaqeen in la iska kaashado sidii dadkaan wax qabad dhab ah loogu sameyn lahaa ama in miisaaniyad gaar ah loo sameyo daryeelkooda maadaama ay yihiin qeyb muhiim ah oo bulshada katirsan.

Guddoomiyaha dallada dadka la nool cudurka AIDS-ka, ee Daryeel, Cabdalla Maxamad Muuse ayaa madasha kullanka ka sheegay in magaalada Garowe uu aad ugusii faafayo cudurkaan, waxaana uu sheegay dadka qaba inay gaarayaan 166 qof. Cabdallada wuxuu sheegay kororka inuu keenay wacyi galinta cudurkaan oo hooseeya.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Cali Salaad Diiriye Faarax, ayaa sheegay in xag diin iyo xag dhaqanba ay gef ku tahay in la takooro dadka ka nool cudurkaan, wuxuuna sidoo kale dadka cudurkaan qaba ugu baaqay inay iyagana ka feejignaandaan inay bulshada ku dhex faafiyaan.

Agaasimaah hay’adda PAC, ayaa sheegay kullankaan inuu qeyb ka yahay ol’ole balaaran oo ay ku midaysan yihiin hay’addaha dowladda iyo shacabka, kaasoo la doonayo in lagu joojiyo takoorka ka dhan ka ah dadka qaba cudurkaan. Waxaa u guddoomiye qiray  in la ogaaday takoorku inuu keenay in dadka qaba iyaguna cadowtinimo ufaafiyeen cudurka. Waxaa uu bulshada ugu baaqay in lasoo dhoweeyo dadkaan loona sameeyo naxariis.

Hay’adda PAC ayaa udiyaar garoobaysa xuska maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka aduunka oo ku beegan kowda bisha 12-aad ee sanadkaan.

Ciid Qaran

PUNTLAND POST