Ciidammo Ammaanka Dowladda Somalia oo billaabay inay baaraan Gaadiidka AMISOM

Muqdisho (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ayaa maanta billaabay inay baaritaano ku sameeyaan gaadiidka AMISOM ee waddooyinka muhiimka ah maraya, si loo hubiyo ammaanka caasimadda oo dhawaanahan laga dayrinayay.

Askari ka tirsan ciidammada ilaalada madaxtooyada Somalia ayaa joojiyay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay koontarool yaalla meel ku dhaw madaxtooyada Somalia, isagoo baaritaan ku sameeyay gaadiidkaas iyo ciidamadii la socday.

“Gaadiida ay wateen ciidamada AMISOM oo xilligaa marayay inta u dhexeysa Isgoyska Sayidka iyo Villa Somalia ayaa waxaa joojiyay askari ku sugna bar koontarool oo halkaas ku taalla, wuxuuna soo dajiyay askartii wuxuuna mid walba oo ka mid ah weydiiyay aqoonsi,” ayuu yiri goobjooge Puntlandpost la hadlya oo ku sugnaa koontaroolkaas.

Sidoo kale, Goobjoogahaan ayaa hadalkiisa ku daray. “Ciidamadu markii ay ogaadeen in ciidamadan ay yihiin ciidammada AMISOM waxay u ogolaadeen inay socodkooda sii wataan, waana arrin ku cusub Muqdisho.”

Inkastoo aysan weli ka hadlin hay’adaha ammaanka Dowladda Somalia inay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka iyo ciidamada AMISOM ayaa hadana tallaabadan waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo ciidamada Somalia ay ku baaraan gaadiidka iyo askarta AMISOM.

Ugu dambeyn, Baaritaankan lagu sameeyay ciidamada AMISOM ee Muqdisho isaga kala gooshaya ayaa wuxuu imaanayaa xilli maalmahaan ay Muqdisho ka jirtay hadal-hayn aad u soo kordhaysay oo ku aadan in Al-shabaab ay qorsheynayaan inay gaadiidka AMISOM ku fuliyaan qaraxyo ismiidaamin ah.

PUNTLAND POST