Gobolka Nugaal oo xeer ilaaliye cusub yeeshay .

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay Cabdulqaadir Axmed Cumar (Gurdux) inuu ku guulaystey jagada xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal ka dib markii uu ka guulaystey labo imtixaan oo ay ku tartameen lix qof.

Xeer ilaaliye Gurdux ayaa bedelaya xeer ilaaliyihii horre ee Gobolka Nugaal Dheeraad oo muddo dheer soo hayay xilkaan.

Dikreeto kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Awcismaan ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay arrintan ka dib markii uu ogeysiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda sarre inay banaan tahay jagada xeer ilaalinta Gobolka Nugaal.

Xeer ilaaliyaha cusub ee Gobolka Nugaal ayaa ka mid ahaa ardeydii ka aflaxday Jaamacadda PSU qeybta sharciga, Sidoo kalena waa sarkaal lasoo shaqeeyay booliska islamarkaana khibrad badan u leh shaqadaan uu qabanayo.

Akhriso Dikreetadda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST