Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay qaar kamid ah Wasiirada DFS

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu tahay 03 Nov  2017 kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar kamid ah Wasiirada DFS.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Wasiirada DFS arrimo la xidhiidha xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay kawada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliyeedba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoraynta dalka kooxaha nabad diidka ah madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, nabadda, xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya, , isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar Jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tamarta yar.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay  inay yeeshaan xidhiidh wada shaqayneed oo ku salaysan sidii wasaaradda walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaraddaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya si loo horumariyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaaraddaha dalka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed wanaajinta xidhiidhka DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida qaranka Soomaliyeedba.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.