Xildhibaan Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu Is-casilo

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa khudbad uu ka jeediyay kulankii baarlamaanka shalay wuxuu Madaxweynaha DFS uga dalbaday inuu is-casilo, isagoo ku eedeeyay inuu hoggaamin waayay Siyaasadda dalka.

Mudanahan oo ka hadlayay xaaladda Ammaan ee dalka iyo dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayuu Tilmaamay in fashilka Amaan ee ka jira dalka ay gundhig u tahay siyaasadda dalka ragga hoggaaminaya inay fashilmeen.

Sidoo kale, Xildhibaanku wuxuu sheegay inaan taliyeyaal boolis iyo nabad—sugid oo la eryo, aanay ku filneyn, isagoo xusay in carqalada meesha ay ka jirto ay tahay buurta ragga fadhiya, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaa codsanayaa Madaxweynaha Siyaasadda Waddanka waa hoggaamin waayay ee ha is casilo,” ayuu yiri Xildhibaan Daqare oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka, kana soo jeeda Gobolka Gedo.

Haddaba, DAAWO; Hadalka Xildhibaanka uu ka jeediyay Golaha Shacabka;

PUNTLAND POST