Madaxda Qaranka Soomaaliyeed oo yeeshay kulan loogu Gogol Xaadhayo Shirka Amniga

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 02 Nov 2017 ka qayb galay kulan loogu gobol xaadhayey shirka amniga qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka  ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka DFS, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

Kulankan maanta ayaa ah kulankii labaad oo ay Madaxda DFS iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah DFS ay ku yeeshana Muqdisho kaas oo looga hadlayo amniga qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulankani ayaa  waxa uu hordhac u ahaa shirka amniga qaranka Soomaaliyeed oo 04 December 2017 ka dhicidoona Muqdisho,  kaas oo ay kasoo qayb geli doonaan beesha caalamka.

Dhinaca kale kulankani uu maanta ka qayb galay Madaxweynaha dawladda Puntlad iyo Madaxda kale ee qaranka DFS ayaa looga dooday laguna ansixiyey arrimo mihiim ah oo ay kamid yihiin in si wada jir ah meel looga soo wadajeesto ladagaalanka kooxaha argagixisada, goloha ayaa ansixiyey qorshaha difaaca qaranka Soomaaliyeed kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gashaandhigga DFS, habaynta qaybaha ciidanka xoogga dalka iyo ansixinta gudiga isku dhafka ciidanka qaranka Soomaliyeed.

Ugu danbayn, shirka Madaxda qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho uga socda ayaa dhowaan laga soo saari-doonaa go’aamo wax ku ool ah, kuwaas oo wax tar u lahaandoona shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.