Dr Yusuf sheekh Cumar iyo Dr Khadijo Cismaan oo tababarkoodii ugu dambeeyey ka fuliyey Jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Boosaaso


Dr Yusuf sheekh Cumar iyo Dr Khadijo Cismaan oo ah lamaane barayaal ka ah jaamacado ku kala yaal UK iyo Australia. Waxay u dhaq-dhaqaaqaan nabadayta iyo isu soo dhaweynta ummadda Soomaaliya. Lamaanuhu waxay fuliyaan tabobaro la xiriira kobcinta nabadda qaar ka mid ah jaamacadaha Soomaaliya. Filimkan ka kooban (9 daqiiqo) oo cusubi waa midkii ugu danbeeyey ee ay ka fuliyeen Jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Boosaaso