Muqdisho (PP) ─ Salaad Cali Jeelle oo ah siyaasi oo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday weerarkii Hotel Naasa-hablood Laba ee Muqdisho, ayaa wuxuu ka sheekeeyey Qaabka uu Weerarka u dhacay iyo wixii ku Qabsaday intii uu ku jiray gudaha Hoteelka.
Mudane Jeelle ayaa sheegay in markii uu qaraxa dhacayay isaga iyo koox ay saaxiibbo yihiin ay Hoteelka gudihiisa shaah ku cabayeen. Wuxuuna xusay in weerarkan uu ahaa mid aad khatar u ahaa.
“Qaraxa markii aan maqlay waxaan aaday qolkeyga si aan qorigeyga u soo baxsado, balse iyagaa iiga hor-maray waana iska soo laabtay,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in daqiiqado kaddib Qaraxii koowaad uu arkay laba dabley ah oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo kor u fuulayo Hoteelka, isla markaana uu awoodi waayay inuu gaaro qolkiisa.
“Anigu waxaan rabay inaan soo qaato qori noociis yahay AK-47 oo ii dhex-yaallay qolkeyga, si aan ula dagaalamo kooxaha hoteelka soo weeraray, balse iyagii ayaa qolkeyga iiga hor-maray aniguna dib ayaan u soo laabtay,” ayuu hadalkiisa ku daray Jeelle oo u warramayay BBC-da.
Mar uu ka hadlayay kooxaha soo weeraray Hoteelka ayuu sheegay inay ku labisnaayeen direyska ciidamada xoogga dalka, isagoo xusay inuusan isagu shaqsiyan rumeysnayn in albaabka hoteelka Qarax lagu soo jabin karo, balse ay taasi dhacday.
Ugu dabmeyn, Salaad Cali Jeelle ayaa wuxuu ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila Al-shabaab, wuxuuna soo noqday wasiir ku xigeenka wasaaradii Difaaca Soomaailya, intii ay jirtay dowladdii uu horkacayay Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, xiligaa oo ay dagaal adag la galeen Midowgii Maxkamadaha.
HADDABA, HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA SALAAD CALI JEELLE
PUNTLAND POST