Hay’adda WHO oo ka laabtay jagadii dhawaan loo Magacaabay Madaxweynaha Zimbabwe

New York (PP) ─ Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa si rasmi ah uga laabatay Go’aankii ay dhawaan u magacowday Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe safiir-sharafeedka WHO kaddib markii dhaliilo badan laga keenay magacaasbiddan.

Madaxa WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu dib ugala laabtay magacaabista Mugabe kadib markii uu dhagaystay talooyin badan oo caalamka ugaga yimid.

Sidoo kale, Dr. Tedros ayaa sheegay inuu kala tashaday dowlada Zimbabwe ka laabashada magacaabista Mugabe, maadaama ay ku jirto danta hay’ada Caafimaadka Adduunka WHO.

Balse, Madaxa WHO ayaa hore ugu amaanay dalka Zimbabwe sida uu ugu dadaalo horumarinta caafimaadka dalkiisa,balse dadka wax dhaliila ayaa ku tilmaamay in caafimaadka dalkaasi uu hoos u dhac ku yimid tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Mugabe.

“Shaqaalaha badanaa mushaar ma qaataan,dawooyinkana waa ay ku yar yihiin halka uu Mugabe  ay da’adiisu sii dhaaftay soddon sano qiyaasta qofka ku nool Zimbabwe sanadaha uu noolaan karo,waxana uu daawo u raadsadaa dalalka dibadda,” ayay yiraahdeen dadka dhaliisha kasoo jeediyay Robert Mugabe,

Ugu dambeyn, Magacaabida safiir-sharafeedka WHO ee cudurada aan la kala qaadin sida; kaadi-macaanka iyo kansarka ee Robert Mugabe ayaa waxaa ka soo hor-jeestey oo dhaliilay wadamo ay ka mid yihiin UK,Canada iyo hay’ado caalami ah oo caafimaadka u ololeeya sida Welcome Trust, the NCD Alliance, UN Watch, the World Heart Federation, Action Against Smoking iyo qareenada dalka Zimbabwe.

PUNTLAND POST