Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis ku gaaray Caynaba


Magaalada Caynaba waxaa maanta lagu soo gabo-gabeeyay wadahadal Somaliland iyo Khaatumo labadii sano ee u danbeeyay uga socday imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo gudaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galayr oo  goob joog ka ahaa shirka ayaa saxiixay heshiiska ay gaareen labada dhinac.

Cali Khaliif Galayr oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday Caynaba, isagoo xusay in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag Bari wuxuuna ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo heshiiska maanta ay kala saxiixdeen maamulka khaatumo, kaas oo  uu sheegay in uu Shacabka Somaliland u hor-seedayo Horumar, iskaashi iyo isku-duubni, wuxuuna balandaaqay in uu fulin doono heshiiska.

Gunaanadkii shirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Somaliland iyo Khaatumo, kaas oo u qornaa sidan.

In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.

PUNTLAND POST